495 Views

Kenya iyo Itoobiya oo ballan qaaday in ay samayn doonaan hawlgallo ka dhan ah weerarada argagixisnimada

Kenya iyo Itoobiya oo  ballan qaaday in ay samayn doonaan hawlgallo ka dhan ah weerarada argagixisnimada
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 16, 2022

Kenya iyo Itoobiya ayaa ballan qaaday in ay samayn doonaan hawlgallo ka dhan ah weerarada argagixisnimada ee ka dhaca xadka u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya si loo xal looga gaaro, sida ay sheegayaan warbaahinta dalka Kenya.

Labada dal waxay ku heshiiyeen iskaashi amni oo xooggan si loola dagaallamo “argagixisada xudduudaha isaga gudba si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

Taliyayaasha Booliska ee labada dal ayaa Talaadadii ku kulmay Addis Ababa, waxayna ku heshiiyeen inay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa dembiyada ka dhaca xuduudaha.

Saraakiisha iyo warbaahinta Kenya ayaa sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la bilaabo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo Shene, si loo joojiyo falalka ay wadaan labada urur.

Labada dal ayaa saxiixi doona heshiis is afgarad ah oo ku saabsn howlgalka wadajirka ah ee ay kula dagaalamayaan ururadaas.

Taliyaha guud ee booliska Kenya Hilary Mutyambai ayaa sheegay in Itoobiya iyo Kenya ay isku afgarteen in ay sare u qaadaan iskaashiga dhanka xog is dhaafsiga, isaga oo intaa ku daray in heshiiska is-afgaradka ah uu awood u siinayo dalalka in ay sugaan nabadda iyo ammaanka xuduudaha isaga gudba.

Kenya iyo Itoobiya waxa ay wadaagaan xuduud, waxaana dhowr jeer xuduudaas ka dhacay weeraro ay geysteen ururka Al shabaab.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post