Muqdisho | QOL | 29 Agoosto 2017 – isku duwaha amniga Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in Askartaasi ay la kulmeen miino jidka la geliyay sidoo kalena ay xigtay Rasaas ay is dhaafsadeen Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.
Wargeyska The Standard Digital ayaa saaka daabacay in Askar ka badan 50 ku dhinteen Gobolka Waqooyi Bari tan iyo Bishii May dhamaadkeedii,markaas oo at billowdeen inta badan weerarrada qaraxyada ah ee Al-shabaab ka geystaan Dalka Kenya.
15kii Bishan 5 Askari ayaa ku dhimatay Gaarisa kaddib markii Weerar Kedis ah AL-shabaab ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Ciidamada Kenya,waxaana sidoo kale dhaawacmay kuwo kale.
11 Askari ayaa ku dhimtay inta u dhaxeysa Mandheera iyo Gaarisa May 22-25 keedii saddex weerar oo ka dhacay Gobolka waxaana sii kordhaya Weerarrada Al-shabaab ka geysanayaan Gobolkaas.
Isla xilligaas 10 Askari ayaa ku dhimataya degaanka Baure oo ka tirsan Lamu kaddib labo weerar oo isku xigay kana dhacay degaankaas.
Dowladda Kenya ayaa isku dayeysa in ay xakameyso weerarrada Al-shabab ee billowday 2011kii,markaas oo Ciidanka Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________