873 Views

Itoobiya oo maxkamad saareysa eedeysanayaashii dilay Fanaan Caan ahaa

Itoobiya oo maxkamad saareysa eedeysanayaashii dilay Fanaan Caan ahaa
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 03, |  2020
—Xukuumada Addis Ababa ayaa dacwado argagaxiso ku soo oogtay afar tuhmane oo loo haysto dilkii fanaan caan ahaa oo kasoo jeeda Itoobiya, taas oo kicisay mudaaharaadyo ay ku dhinteen in ka badan 178 qof, Sida uu sheegay afhayeen u hadlay xeer ilaaliyaha guud.

Dilkii bishii Juun ee Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa muusikiiste ay qadarin jireen qowmiyadda ugu badan dalka Itoobiya, ayaa rabshado maalmo socday ka qarxiyay magaalada Addis Ababa iyo gobolka ku xeeran ee Oromada.

Dibadbaxyada ka dib in ka badan 9,000 oo qof oo ay ku jiraan siyaasiyiin, dhaqdhaqaaqayaal iyo saxafiyiin ayaa la xiray.

Toddobaadkii hore 2,000 oo qof ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira rabshadaha, Kuwaas waxaa ka mid ahaa maalqabeen caan ah oo xagga warbaahinta ah iyo siyaasiga mucaaradka Oromada Jawar Mohammed, oo lagu soo oogay inuu ku xadgudbay Mabaadii’da  argagixisa la dagaallanka iyo khayaano dhanka isgaarsiinta ah,

Warbaahinta dowladda ay maamusho ayaa sheegtay shakhsiyaad loo haysto argagixisanimo iyo tuhmanayaal kale in wali gacanta lagu hayo, si ay u abuuraan fowdo iyo meesha in ay ka saaraan dowlada.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post