78 Views

Qasaaraha ka dhashay howl-gal ka socda deegaanka Xawaadley iy nawaaxigeeda oo soo kordhaya caawa

Qasaaraha ka dhashay howl-gal ka socda deegaanka Xawaadley iy nawaaxigeeda oo soo kordhaya caawa
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18, 2023

 Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howl-gal culus uu ka socda deegaanka Xawaadley iy nawaaxigeeda, kaasi oo ay wadajir u fulinayaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Sirdoonka Qaranka NISA, ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howl-galkan oo illaa hadda socda lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

“Howl-galkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in howl-galkan ka socda deegaanka Xaawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.

“Howlgalka oo weli socda wixii warar ah ee kusoo kordha dib ayaan idiin kaga soo gudbin doonnaa insha Allah,” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay dowladda.

Weerar ku billowday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa aroornimadii shalay dagaalamayaasha Al-Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka Xawaadley oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, waxayna 20 KM u jira degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, ayada oo haatan inta badan Al-Shabaab laga saaray gobolkan oo hoostaga HirShabelle, waxaana kamid ah meelaha la qabtay degmooyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood iyo deegaano kale oo muddo fog ay ka talineysay kooxdu.

Si kastaba, laba maalin ka hor uun ayay aheyd markii ay Al-Shabaab is-miidaamin tan lamid ah, loona adeegsaday baabuur ay ku weerareen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post