951 Views

In ka badan 75 milion oo codkooda dhiibtay doorashada Mareykanka

In ka badan 75 milion oo codkooda dhiibtay doorashada Mareykanka
____________________________________________________________________________

 Iyadoo ay ka harsan tahay wax ka yar hal todobaad ayaa in ka badan 75 milion oo qof ay codadkooda ka dhiibteen doorashada madaxnimo ee Mareyaknaka oo lasoo gabagabeyn doono 3da November ee soo socota.

Inta badan gobollada Mareykanka ayaa dadka u ogol inay codadkooda sii dhiibtaan ka hor maalinta weyn ee doorashada.

Tirada 75ka milion ee codadkooda dhiibtay ayaa markii laba qeybiyo ka badan taradii horay ugu soo baxay doorashadii 2016kii ee Mareykanka, taas oo aheyd 1338.8 milion oo qof.

Quburrada doorashooyinka ayaa sheegay in usoo bixitaanka doorashada ee dadka codadkooda dhiibanaya sanadkan ay noqon doonto tii ugu badneyd ee tan iyo 1908 dii, markaas oo 65% dadka Mareykanka ee xilligaasi isu diiwaan galiyay doorashada ay codkooda dhiibteen.

Madaxaweyne Trump ayaa xalay ka ololeeyay gobolka Arizona oo kamid ah gobolada la saadaalinayo inay go’aamin doonaan doorashada, halka ninka la tartamaya ee xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden uu isagana codkiisa ka dhiibtay gobolka uu kasoo jeedo Delaware.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post