1275 Views

Madaxweynayaashii hore & Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynayaashii hore & Cali Guudlaawe oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17 2021–Magaalada Muqdsho ayaa waxaa weli ka socda klamo siyaasadeed oo looga hadlayo xaalada dalka iyo xiisada ka dhalartay muddo kordhinta ay Golaha Shacabka u sameeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Galabta waxaa kulan wada qaatay  Madaxweynayaashii hore ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Madaxweyn aha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe,  Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Kalankn oo ka dhacay Hoyga Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa looga hadlay Xaaladaha Guud ee Dalka iyo sida laga yeelayo muddo kordhinta ay sameeyeen Golaha Shacabka, kaas oo xiisad ka dhalatay ay ka taagan tahay magaalada muqdisho.

Wararka kulanka laga helay ayaa sheegaya in Madaxweynayaashii hore ee dalka ay ka dalbadeen Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen uu cadeeyo mowqifkiisa ku aadana muddo kordhinta iyo in uu si cad uga soo horjeesto.

Tan iyo markii Golaha Shacbaka aym uddo kordhnta sameeyeen ee 12-kii Bishaan ayaa waxaa socday kuamo isdaba-joog ah, waxaana siyaasiyiinta mucaaradka ay doonayaan in la laalo muddo kordhinta Golaha Shacbaka si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post