1080 Views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo qasriga madaxtooyada ee Hargeysa ku qaabilay madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo   qasriga madaxtooyada ee  Hargeysa ku qaabilay madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya
____________________________________________________________________________


Axad: November 28, 2021

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta  qasriga madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa waxaa uu ku qaabilay madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo safar ku jooga halkaas.

Advertisemenlabada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin, Amniga, Dhaqaalaha iyo xoojinta isku socodka xaduudaha maadaama ay wadaagaan xaduud dheer oo isku xirta Hargeysa iyo Magaalada Jigjiga.

madaxweynaha dalwad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland sida loogu soo dhaweeyay Hargeysa, wuxuuna balan qaaday inay xoojin doonaan xiriirka labada dhinac iyo wadashaqeynta ka dhaxeeysa.

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa sheegay in Somaliland ay xiriir wanaagsan la leedahay dowladda Federaalka Itoobiya oo uu ka tirsan yahay Maamulka dowlad degaanka, ayna ka wada Shaqeyn doonaan arrimaha Amniga xaduudaha.

Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Hargeysa in uu la kulmo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somalilane.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post