459 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay Deegaanka Ceelmacaan
____________________________________________________________________________


isniin: May 23, 2022


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kormeeray deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kormeerkiisa ugu kuurgalay xaaladaha guud ee deegaanka sida amniga iyo tan kalluumeysatada deegaanka oo muddooyinkii dambe ka cabanayay maraakiib Shisheeye oo xaalufin ku hayay kalluunka iyo wasaq ay sheegeen in lagu daadiyay xeebaha.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sheegay in cabashada dadka deegaanka iyo tan kalluumeysata uu la wadaagi doono  Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, si wax looga qabto cabashadooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post