1995 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Safiirka Jaamacadda Carabta Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Safiirka Jaamacadda Carabta Oo Kulan Ku Yeeshay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 30, 2018 Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminaaye Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Xamuud Samraan alxuwaytii oo soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Guddoomiye Xaashi kaga mahad celiyay Safiirka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Xamuud Samraan alxuwaytii  iyo wafdii la socday imaatinkooda Xarunta Golaha Aqalka Sare.

Dhinaca kale Mudane Xamuud Samraan alxuwaytii oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta ayaa isna dhankiisa kaga macad celiyay Guddoomiyahs Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi sida wanaagsan ee u soo dhaweeyay,isagoo sheegay in in Jaamacadda Carabta ay gacan ka gaysan doonto qabashda kulamo iyo shirar ku saabsan deymo cafinta dalka Soomaaliya si dalku usoo kabto dhaqaale ahaan.

Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa waxa uu bogaadiyay qodobadii uu soo badhigay Safiirka,waxaana uu sheegay in ay yeelan doonaan labada dhinac xiriir wada shaqayn ah.

Safiiro ka socda dal carbeed ee soo gaara Xarunta Aqalka Sare ayaa ah markii ugu horraysay,waxaana Guddoomiyaha uu sheegay” waxaan jecelnahay in walaaleheena carbeed aan wada shaqayn dhow iyo mid walaaltinimo yeelano, waana kaaga mahad celinayaa imaatinkaaga, waxaan yeelan doonnaa kulamo kale insha allaah” ayuu yiri Guddoomiyaha Aqalka Sare.

7 8 9 10

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment