384 Views

Wararkii ugu danbeeyay magaalada Laascaanod, Xaalad adag oo laga soo sheegayo Caawa iyo Somaliland oo Ciidamo Cusub gaysay halkaas.

Wararkii ugu danbeeyay magaalada Laascaanod,  Xaalad adag oo laga soo sheegayo Caawa  iyo Somaliland oo Ciidamo Cusub gaysay halkaas.
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3 2023

Waxaa weli cirka ku shareeran xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo ku dhawaad 10 maalmood ay rabshado ka socdaan, kadib markii dilal aan la garaneyn cidda geysata ay magaalada joogto ka noqdeen.

 

Cabdikariin Olol waa Weriye ka tirsan Idaacadda VOA, wuxuuna ku sugan yahay Laascaanood, isagoo ka warbixinayey xaaladda magaalada ayaa wuxuu sheegay in magaalada laga qaxay oo dadku ay banaanka magaalada deegaameysteen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Somaliland ay ciidan militeri ah soo dhoobtay jidadka magaalada, taas oo shacabka u suurta-geli weysay inay sii wadaan dibad-baxyada oo joogsaday labadii maalmood ee u dambeysay.

Weriyahaan ku sugan Laascaanood wuxuu sheegay in xiisadaan ay wada saameysay guud ahaan gobolka Sool, “Xaaladda taagan cabsi badan ayey dadka ku abuurtay, gaadiid badan oo dadka qaxinaya ayaa magaalada lagu dhex arkayaa, wax ganacsi ahna ma socdaan,” ayuu yiri.

Isgaarsiinta magaalada ayuu sheegay in mararka qaar hawada laga saarayo, iyadoo lacagaha laga isticmaalo gobolkaas ay yihiin kaliya kuwa danabeysan ee taleefoonada la isaga diro.

Somaliland ayaa guud ahaanba internetka ka jartay gobolka Sool, waxaana maalin isgaarsiin la’aan ah kadib dadka loo fasaxay ku hadalka iyo lacag dirista taleefoonada oo kaliya, taas oo ka dhigan in ilaa hadda gobolka Sool uusan internet ka shaqeyn.

Madax dhaqanka,  Culimada Iyo Waxgaradka deegaanka ayaa ku baaqay in ciidanka Somaliland isaga baxaan deegaanka,   Waxaa sidoo kale socda Abaabulo kala duwan oo looga soo horjeedo Somaliland.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post