918 Views

Ciidamada AMISOM & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah fuliyay

Ciidamada AMISOM & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah fuliyay
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 11, 2021 —Ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayay amniga ay ka sameeyeen degaano ku yaal  duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo dhowr jeer weeraro ka dhaceen.

Ciidamada oo ay wehlinayeen tiro yar oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa waxaa ay howlgalka ka sameeyeen deganka Cabdalla Biroole oo 32 km Koonfur Galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

War kooban oo kasoo baxay oo kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid ay ku baarayeen Xaafadaha degaanka Cabdalla Biroole iyo degaannada ku dhow dhow, isla markaana dad badan lagu xir xiray.

“ Ciidamada Difaaca Kenya ee fadhigoodu yahay degaanka Cabdalla Biroole) oo 32 km koonfur -galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ayaa ka bilaabay duleedka magaalada Cabdalla Biroole hawlgal xarig iyo baaris ah si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay AMISOM.

Degaanka Cadabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland ayaa waxaa dhowr jeer weeraro culus ku qaaday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

Ciidamada AMISOM & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah fuliyay_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post