582 Views

Taliye Xijaar “Habeen kasta waxaa nagala dilaa Askar anagoo la dagaalameyna kooxaha burcadka ah

Taliye Xijaar “Habeen kasta waxaa nagala dilaa Askar anagoo la dagaalameyna kooxaha burcadka ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaalada ayaa kala hadlay xaaladda ammaan ee magaalada.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ogaado dhibaatooyinka heysta ciidanka booliska xiliga ay ku guuda jiraan howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcadka.

Taliyaha ayaa carabka ku dhuftay in habeen kasta la dilo 2 iyo Saddex Askari iyaga oo la dagaalamaya kooxaha burcadka ah, isagoo xusay in markii ciidanka booliska ay dilaan ruux burcad ah ay jiraan eedeymo loo jeediyo booliska Soomaaliya.

”Runta haddaan idin sheego habeen kasta labo ilaa seddax Askari oo Boolis ah ayaa la dilaa, haddaad Tuuga xabad kala horreyso oo aad dishana waxaa la leeyahay Booliska cid buu dilay,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, taliyaha Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in boolisku uu laba jibaaray shaqadiisa, maadama uu xusay in lagu jiro marxalad doorasho iyo xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay doorashada.

Ugu dambeyn, taliye Xijaar ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Muqdisho inay iskaashi la sameeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago kooxaha dhibaatada ku ah amniga caasimada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post