1269 Views

Dowladda Qatar oo taageero Millateri u balan qaaday Soomaaliya

Dowladda Qatar oo taageero Millateri u balan qaaday Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Wakiil u hadlay Dowladda Qatar kana qeyb-galay shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada Muqdisho ayaa sheegay in Qatar ay taageero dhinac walba ah siineyso Soomaaliya oo xilligaan ah dal soo kabsanaya.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Qatar ay dhaqaale lacageed ay ugu deeqayso Soomaaliya iyo Mashaariic ay ka mid tahay Dhismaha Dekadda Hobyo,sidoo kale  Saanad Ciidan ay ku taageeri doonaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka u hadlay Dowladda Qatar in mar walba ay diyaar yihiin kana go’an tahay inay taageeraan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ,sida mashaariic kala duwan oo laga fuliyo gobolada dalka iyo mid Millateri.

Dowladda Qatar ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha taageera Soomaaliya,waxaana sigaar ah loogu xagliyaa inay saaxiibow dhow la tahay Madaxda Dowladda Federaalka ee xilligaan heysa talada dalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment