747 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kula kulmay dhiggiisa waddanka Azerbaijan Dalka Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo  kula kulmay  dhiggiisa  waddanka Azerbaijan Dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

June 19 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhiggiisa  waddanka Azerbaijan Jeyhun Bayramov kula kulmay Magaalada Antalya ee Dalka Turkiga oo ay uga qaybgalayaan Shirka Diblomaasiyadda.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga, Azerbaijan & Turkmenistan ayaa qoraal uusoo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in kulankaas diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal.

Rajo wanaagsan ayuu ka muujiyay in iskaashiga labada dowladood uu gaaro meel aad u sareyso labada dalna ay kawada shaqeeyaan muhiimadda uu leeyahay xiriirkooda

Xiriirka Dowladaha Soomaaliya & Azerbaijan ayaa soo shaacbaxay 12-kii June 2021 kadib markii Danjire Jaamac Cabdullaahi Caydiid uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas Jeyhun Bayramov.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post