1458 Views

Shirweynaha 32-Aad Ee Madaxda AU-Da Oo Maanta Ka Furmaya Addis Ababa

Shirweynaha 32-Aad Ee Madaxda AU-Da Oo Maanta Ka Furmaya Addis Ababa
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 10, 2019 –Shirweynaha 32-aad ee Madaxda AU-da ayaa socon doono bishan 10-ka ilaa 11-ka, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xoghaynta Shirkaasi.

Ajendaha ugu weyn ee ay Madaxdu ka wada hadli doonaan ayaa la sheegay inuu Hal-ku-dheg sannadkan looga dhigay “Qaxootiga, dadka soo laabanayo iyo dadka Barakacayaasha iyo  in la helo arrimaha xooggan ee lagu kala xalin karo dadka lagu khasbayo barakacinta ee gudaha Qaaradda Afrika.

Shirweynaha 32-aad ee Madaxda AU-da ayaa socon doono bishan 10-ka ilaa 11-ka, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Xoghaynta Shirkaasi.

Dowladaha Afrika waxay halgan adag kula jiraan kororka tiradda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ka soo cararayo Colaadaha ka aloosan dalal ka mid ah Qaaradda Afrika.

Waddamada ay Qaxootiga iyo Barakacaaysha culayska ku hayaan waxaa ka mid ah dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan, Afrikada Dhexe, Kongada Dimuqraadiga, Burundi, Eritrea iyo Maali.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga (UNHCR) waxay sheegtay inay 30 million oo Afrikaan ah u baahan yihiin in loo gargaaro, kuwaasi oo badankooda ah Qaxooti iyo Braakacayaal.

Tiradaasi waxaa ka mid ah ku-dhawaad 7.5 million oo Qaxooti ah, 630,000 oo magangelyo-doon ah, hal million oo dad aan dal lahayn ah iyo 500,000 oo ah Qaxooti dib ugu laabtay dalalkooda.

In ka badan 18 million oo Barakacayaal ah ayaa lagu khasbay inay deegaanadooda ka cararaan, balse aan awoodi karin inay ka soo hayaamaan dalalkooda.

Dalka Somalia waxaa la sheegaa inay jiraan 2.7 million oo Barakacayaal ah.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxda Dowladah Afrika ee ayaa Maanta shirkooda caadiga ee 32-aad u furmaya ayaa la filayaa inay xal u helaan dhibaatadda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool Qaaradda Afrika, iyadoo Hiigsiga Ururka AU-da ee sannadka soo socda ku abaaran yahay sidii loo aamusin lahaa qoryaha.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment