996 Views

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda  oo kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

.

April 10, 2021

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan, ayaa maanta oo Sabti ah kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho waraaqaha aqoonsiga wakiilka cusub ee UNICEF ee Soomaaliya, Dr. Mohamed Ayoya.

Wasiirka iyo wakiilka oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay fududeynta howlaha UNICEF ay ka fulinayso dhammaan gobollada Soomaaliya, iyadoo loo marayo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Wakiilka cusub UNICEF ee Soomaaliya Dr. Mohamed Ayoya ayaa carabka ku adkeeyay inuu dadaal ku bixin doono xoojinta wadashaqaynta iyo howlaha isku duwidda ee kala dhexeysa Xukuumadda Federaalka si wax looga qabto xaaladaha beni’aadanimo,  loona hirgeliyo barnaamijyada adeegga bulshada ee ku suntan dhallaanka, Hooyada,  Waxbarashada iyo caafimaadka.

.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post