735 Views

Maqaayadda caalamiga ah ee KFC laamaheeda ku yaalla Kenya oo soo wajahay gabaabsi dhanka

Maqaayadda caalamiga ah ee KFC laamaheeda ku yaalla Kenya oo  soo wajahay gabaabsi dhanka
____________________________________________________________________________


Talaado: January 4, 2022

Maqaayadda caalamiga ah ee KFC laamaheeda ku yaalla Kenya ayaa waxaa soo wajahay gabaabsi dhanka baraadhada shiilan ah ama jibsi.

“Dhammaantiin waxaad jeceshehiin baradhadeenna shiilan, haatan wey naga dhammaatay, waan ka xunnahay, kooxdeena waxay si adag uga shaqeynayaan sidii ay arrintani u xallin lahaayeen” ayaa lagu yiri qoraal KFC Kenya ay soo dhigtay barta Twiiter-ka.

Sababta uu gabaabsiga ugu yimid baraadhada shiilan ayaa ah inay daaheen maraakiibtii u keeni jirtay baraadhada kadib saameynta ka dhalatay samarka Karoona, sida uu ku warramay wargeyska Business Daily Africa.

KFC waxaa baraadhada looga keenaa dibadda maadama aysan gudaha dalka ka qaadanin si cuntada ay kariyaan ay u noqoto mid tayo leh oo u wanaagsan caafimaadka isla markaana dadka u keenayana ay soo marayaan qaabab kala duwan oo lagu xaqiijinayo tayada, ayuu yiri madaxa fulinta ee shirkadda ee Bariga Afrika, Jacques Theunissen.

Macaamiisha KFC ee ku sugan Kenya ayaa caradooda ku muujiyay barta Twitterka iyaga oo ka careysan sababta maqaayadda aysan u adeegsanin baraadhada laga soo saaro Kenya.

“Tani , waa wax aan la aqbali karin, haddii aysan baraadhada ka iibsan beeraleyda Kenyanka ah marka dhammaan waan qaadaceynaa KFC” ayuu qoray mid kamid ah dadka istimaala Twitter-ka ee Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post