624 Views

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qasaaraha dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan dhinaca degmada Maxaas

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qasaaraha  dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan dhinaca  degmada Maxaas
____________________________________________________________________________

Talaado: august 2, 2022

Warrarka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaal culus uu saaka ka dhacay tuulada Bukure oo qiyaastii 60 km u jirta degmada Maxaas. Ciidamada Dawladda oo ay tageerayaan miliishiyooyin deegaanka ah ayaa saaka salaaddii subax kadib weerar ku qaaday saldhigyo ay fadhiyeen xooggaga Al-Shabaab.

Gudoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa BBC-da u sheegay in 19 ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duulaanka ay saaka qaadeen ciidamada Dawladda, isla markaana ay qabsadeen tuulada Bukure. Gudoomiye Muumin waxa kale oo uu sheegay in dhankooda ay dagaalka uga dhinteen labo askari.

In dhawaalaba deegaannada u dhaxeeya degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne waxa ay dagaallo goosgoos ah ku dhexmarayeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Dawladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab, tobannaan qof ayaana lagu dilay dagaaladaasi.

Al-Shabaab oo iyana ka hadashay dagaalka Bukure ayaa sheegtay in iska caabiyeen ciidamada Dawladda isla markaana ay ka dileen 4 askari, dhaawaceenna 14 kale.

Illa hadda ma jirto illo madaxbannaan oo xaqiijiniya sheegashooyinka kala duwan ee labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post