927 Views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo goor dhawayd ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka  oo goor dhawayd ka furmay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: August 21, 2021

Waxaa goor dhawayd magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wararka ayaa sheegaya in Shirkaan  looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

4 ka mid ah maamul gobleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare.

Sidoo kale Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post