7842 Views

IMF iyo DF Soomaaliya oo ku heshiiyay soo daabicidda lacag Soomaali

IMF iyo DF Soomaaliya oo ku heshiiyay soo daabicidda lacag Soomaali
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Febaraayo 20, 2017 – Iyadoo dhawaan dowladda Somaliya ay shaacisay  inay wado qorshe ay ku soo daabaceyso lacag cusub oo Shilin Somali ah, ayaa markii ugu horeysay Sanduuqa caalamiga ah ee lacagta aduunka IMF waxa ay sheegeen in Somaliya ay ka caawinayaan daabacaada lacagtaasi cusub.

Samba Thiam oo ah Madaxa IMF ee Somaliya, ayaa sheegtay in lacagaha Somaliya iminka laga isticmaalo ay yihiin kuwa duugoobay oo u baahan in lacag cusub Somaliya loo soo daabaco.

Waxa ay intaasi ku dartay 98% lacagta Somaliya laga isticmaalo inay tahay mid been abuur ah (Faalso) oo lagu daabacay meelo ka mid ah Somaliya, halka 2% ay tahay mida saxda ah ee Shilinka Somaliga ah, taasi oo duugoowday.

Lacagaha cusub ee ay Somaliya daabacaneyso ayaa la filayaa in ay tartan geliyaan lacagta doolarka ah,waxaana ay beddeli doontaa lacaga duugga ah ama kuwa been abuurka ah  ee la daabacay intii uu bur burka jiray.

Qiimeynta Bangiga Adduunka ee waddamada ugu faqrisan dunida ayey Somaliya uga jirtaa kaalinta 5-ad,waxaana qof kasta oo Somali ah  sanadkiiba soo gasha lacag dhan $435 doollar cel celis ahaan sida ay sheegtay Samba Thiam oo ah Madaxa IMF ee Somaliya.

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray wixii ka dambeeyay Bur burkii dowladii dhexe ayaa isku dayay soo daabicista lacag cusub oo Shilin Somali ah, balse uma aysan suuragelin taasi.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment