348 Views

Dhaqtar la xirey kadib markii lagu eedeeyey inuu kufsaday bukaan suuxsan, intii lagu guda jirey hawlgal qalliin

Dhaqtar  la xirey kadib markii lagu eedeeyey inuu kufsaday bukaan suuxsan, intii lagu guda jirey hawlgal qalliin
____________________________________________________________________________


Arbaco: July 13, 2022

Dhaqtar suuxdin, ayaa la xirey subaxnimadii Isniinta, kadib markii lagu eedeeyey inuu kufsaday bukaan suuxsan, intii lagu guda jirey hawlgal qalliin, isbitaalka haweenka Heloneida Studart ee magaalada Rio de Janeiro.

Sida laga soo xigtay booliiska madaniga ah, ninkan ayaa waxaa qabtay xubno kasocda urur u gargaara haweenka ee magaalada, kadib markii laga duubay muuqaal markii uu ku kacayey fal dambiyeedkan

Saraakiisha booliiska ayaa si degdeg ah ku yimid xarunta, iyadoo xubno ka socda waaxda caafimaadka, ay duubeen dhakhtarka suuxdinta oo ku kacaya falka waxashnimada ah.

Booliiska ayaa xaqiijiyey in Quintella Bezerra lagu soo eedeeyey kufsi, isagoo ruux bukaana kaga faa’iideystay xili uu aad u nugul yahay.

Haddii ay ku caddaato dambigan, dhakhtarkani wuxuu wajahayaa xukun xarig oo u dhaxeeya 8 illaa iyo 15 sano.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post