411 Views

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo gaaray Ceelwaaq
____________________________________________________________________________

Sabti: April 23, 2022

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, si uu goob joog ugu noqdo kuraasta doorashadoodu ay halkaas ka socoto.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa garoonka Ceelwaaq kusoo dhoweeyey wasiirka amniga Jubbaland, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta deegaanka, iyadoo ujeedka booqashadiisu ay la xiriirta 16-ka kursi ee loo wareejiyey Ceelwaaq, taas oo ka bilaabatay shalay islamarkaana lagu doortay 11 musharax.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland  ayaa kormeeri doono xaalada guud ee deegaanka si u qiimeeyo amniga, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Ceelwaaq.

Waxaana safarkaan kaga horreeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shalay tagay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, isagoo halkaas ka dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq kaas oo la sheegay i si casri ah loo dhisi doono.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post