237 Views

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi Oo Ka Qeyb-Galay Caleema Saarka Guddoomiyaha D.Xudur

Wasiirka arrimaha gudaha  Axmed Macallim Fiqi Oo Ka Qeyb-Galay Caleema Saarka Guddoomiyaha D.Xudur
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 6, 2022

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Axmed Macallim Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Xudur, caasimadda Bakool ayaa ka qeybgalay xaflad si heer sare loosoo agaasimmay oo lagu caleemosaaray guddoomiyaha degmada Xudur iyo maamulka deegaanka.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Xudur Cumar Cabdulaahi Maxamuud oo la caleemasaaray ayaa golaha hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Mudane Fiqi, waxaa uu kala hadlay dadka deegaanka in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay xorreynta dalka isaga oo intaa raaciyey in Xudur iyo deegaannada la midka ah ee go’doonsan laga korqaadi doono culeyska argigixisada Shabaab, laga geynayo adeegyo lagu hormarinayo nolosha dadka.

Khudbadda wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallim Fiqi waxaa kale oo ka mid ahaa in uu ka shaqeynayo arrimaha xasillinta ee deegaannada laga xorreynayo argigixisada Shabaab iyo weliba baahinta maamulka iyo adeegyada.

Mudane Fiqi, inta uu Xudur joogay waxaa uu booqasho ku tagay qeybo ka mid ah magaaladaasi oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha isaga oo indhaindheeyey xaaladda guud, dhageystana baahida maamulka iyo shacabka.

Booqashada wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ee Xudur ayaa imaaneysa saacado yar uun kadib markii uu ka degay Baydhabo oo ah xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed halkaaas uu kusoo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

29-kii Oktober ayey aheyd markii wasiirka arrimaha gudaha mudane Axmed Fiqi uu booqasho ku tagay Buulabudre ee Hiiraan oo ah mid go’doonsan, waana tallaabo ay wasaaradda uga warheyneyso dadka iyo deegaanadda, gaar ahaan kuwa ay ka jirto dhibaatada daran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post