957 Views

Magaalada Naiorbi waxaa ku geeriyooday Allaha u naxaiistee wasiirkii hore ee difaaca Kenya Yuusuf Xaaji

Magaalada Naiorbi waxaa ku  geeriyooday Allaha u naxaiistee wasiirkii hore ee difaaca Kenya Yuusuf Xaaji
____________________________________________________________________________


February 15, 2021

Waxaa magaalada Naiorbi ee dalka Kenya ku geeriyooday Allaha u naxaiistee wasiirkii hore ee difaaca Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo muddo dheer kamid ahaa siyaasiyiinta Soomalida ee dalka Kenya. wuxuu ahaa 80 jir.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya ayaa waxaa geeridiisa BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Galabta ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Musliminta ee Langata, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Wuxuu sidoo kale soo noqday barasaab gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Wuxuuna marxuumka oo aad loogu yaqaano magaca Yusuf Xaaji uu dhashay sannadkii 1940-kii, wuxuuna ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto ee Kenya, gaar ahaan Garissa. Waxa uu dhalay illaa 9 carruur ah.

Waxaa caruurtiisa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post