684 Views

Shirka madaxda urur goboleedka IGAD oo maanta ka furmayo Djibouti

Shirka madaxda urur goboleedka IGAD oo maanta ka furmayo Djibouti
____________________________________________________________________________

Waxa maanta magaalada Djibouti ee dalka Djibouti uga furmaya madaxda urur goboleedka IGAD shir aan caadi ahayn oo lagu gorfaynayo duruufaha guud ahaan ka taagan gobolka iyo arimo u gaar ah dalalka qaarkood.

Shirkaan oo ay ka Qeyb galayaan Madaxweynayaasha Dalalka afrika gaar ahaan madaxda urur goboleedka IGAD ayaa looga hadlayaa xaalada Somaliya iyo Kenya oo mel xun maraysa.

Sidoo kale shirkaan ayaa imaanaya Xili xaalada magaalada B/xaawo ay aad u kacsan tahay, oo laga yaabo in Ciidamada Somaliya iyo Kenya ay gacan ka hadak dhex maraan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post