939 Views

Madaxweynaha maamulka Galmudug Qoor Qoor oo kulan isugu keenay CC Shakuur, Saadaq Joon iyo Kulane

Madaxweynaha maamulka Galmudug  Qoor Qoor oo kulan isugu keenay CC Shakuur, Saadaq Joon iyo Kulane
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa xalay saq-dhexe kulan foolka fool ah isugu keenay siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Cabdullaahi Aadan Kulane (Jiis) oo saddexdooduba loo doortay xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa is cafin, sida ay shaacisay Madaxtooyada Galmudug oo qoraal kooban kasoo saartay kulankaasi.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa kula dardaarmay saddexdaan xubnood inay ka shaqeeyaan horumarka dalka, gaar ahaan inay si dhab ah baarlamaanka ugu metelaan Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada la doortay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Xildhibaanada BFS ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah siyaasi mucaarad ah ayaa waxaa cadaawad dhinac weliba leh kala dhexeysay labadaan nin oo ka mid ah kooxda sida weyn ula shaqeyso madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Farmaajo).

Saaqdaq Joon ayaa lagu xasuustaa weerarkii lagu qaaday hoyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo lagu dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa, isaguna lagu dhaawacay, kadibna la xiray, isaga oo mar dambena la saaray maxkamad.

Dhankiisa Cabdullaahi Kulane ayaa ka mid ah saraakiisha sar sare ee uu siyaagan u hayey takanaha, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ee aadka ugu dhow Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, saddexdaan xubnood oo lagu wada doortay Dhuusamareeb, kuna cusub Golaha Shacabka ayaa ku biiray baarlamaanka 11-aad dalka, kaasi oo soo dooran doono madaxweyne cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post