663 Views

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mushrixiinta oo Bixinaaya Lacago aan Caadi ahayn

Wararkii Ugu Danbeeyey ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mushrixiinta oo Bixinaaya Lacago aan Caadi ahayn
____________________________________________________________________________

Axad: May 15, 2022

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay xalay xilli dambe illaa saaka ay socotay bixinta lacagaha musharaxiinta ay siinayaan xildhibaanada.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xarunta ololaha musharax madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay noqotay halkii ugu horeysay ee lacag laga bixiyey, waxaana kadib ku xigsaday inta badan musharaxiinta kale.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhaxeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Saciid Deni ay goordhow Bilaabeen   bixin  lacagta.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post