1059 Views

Itoobiya oo ka hadashay faragelinta Somalia ee lagu eedeeyey

Itoobiya oo ka hadashay faragelinta Somalia ee lagu eedeeyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December  01- 2019—Mla soo dhaafay waxaa taagnaa Warar ku saabsan in Dowladda Itoobiya ay faragelin toos ah ku heyso Arrimaha Siyaasada Soomaaliya gaar ahaan inay u adeegsaneyso arrimaha Siyaasadda Ciidamo aan kamid aheyn Holwgalka AMISOM,hayeeshee Dowladda Itoobiya ayaa Warkaasi beenisay.

 

Safiirka Itoobiya u fadhiya Nairobi Meles Alem oo Arrimahaasi wax laga weeydiiyey ayaa sheegay in Dastuurka Itoobiya uusan ku jirin qodob ogolaanaya in madaxda dalka ay ku lug yeeshaan siyaasadda gudaha ee dalalka kale.

 

 

 

Waxa uu sheegay in marnaba Madaxda dowladda Itoobiya aysan qeyb ka aheyn waxa ka socda qaar kamid ah Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan arrimaha Siyaasada Soomaaliya.

 

Qaramada Midoobey ayaa horay waxaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay ku eedeysay in uu faragelin ku sameeyey heshiiskii nabadeynta ee dalka South Sudan, iyo Arrimo ku saabsan xaalada dalka Soomaaliya.

 

Xubno kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacbaka,Siyaasiyiin Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xubno kale ayaa dhowr jeer ku eedeeyey Dowladda Itoobiya inay Arrimaha Siyaasada Soomaaliya u adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyan ah oo aan kamiud aheyn AMISOM, iyaga oo warqad u qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment