957 Views

60 qof oo wali lagu la’yahay Qaraxii Beirut

60 qof oo wali lagu la’yahay Qaraxii Beirut
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-06-2020-Kooxda ku howlan gurmadka Qaraxii weynaa ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in 60 ruux oo ka mid ah dadkii kunoolaa dhismayeyaasha Qaraxu ka dhacay wali lagu la’yahay geeri iyo nolol.

Dadka Gurmadka ah oo ku howlan badbaadinta dadka ayaa bur-buriyay Guryo badan si ay u helaan Cid ka badbaaday.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku biiri doono baaqa shir deg deg ah oo looga hadlayo gargaarka la gaarsiiyo Lubnaan.

Madaxweynaha Lubnaan ayaa sheegay in baaritaankooda la xiriira qaraxii ugu weynaa ee taariikhda Beirut uu baari doono, Waxa uu ka dhashay bam in uu ahaa ama faragelin kale oo dibedda ah, iyadoo dadka Magaalada ay doonayeen in ay dib u dhisaan guryaha burburay.

Ugu yaraan 154 qof ayaa ku dhintey qaraxa in ka badan 6,000 kalena way ku dhaawacmeen, laakiin tirada ayaa la filayaa inay kor u kacdo iyadoo ay socdaan hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta oo loogu talagalay dadka maqan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post