1101 Views

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay safiirka Mareykanka ee Donald Yamamoto

SAWIRO:-Madaxweynaha Jubbaland oo qaabilay safiirka Mareykanka ee Donald Yamamoto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 29, 2019–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto oo booqasho ku tegay Magaalada Kismaayo.

 

Labada Masuul oo kulan gaar ah yeeshay ayaa waxaa diirada lagu saaray arimaha amniga iyadoo safiirku Madaxweynaha uga mahad celiyay sida Jubbaland ay ugu guulaysatay sugida nabadgalyada Arimaha Siyaasada iyo sida ay muhiimka u tahay wada shaqaynta Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

 

 

Waxaa kale oo laga wada hadlay arimaha doorashooyinka iyadoo safiirku uu sheegay in kalsooni buuxda uu ku qabo in si wanaagsan ay ku dhacaan doorashooyinka Jubbaland isla markana si xor ah oo xalaal ah wax walba ay ku qabsooman.

 

Madaxtooyada Jubbaland wax faah faahin dheeraad kana bixin kulanka Maanta Kismaayo ku dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirka Dowlada Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment