981 Views

Xasan Sheekh “ Dowlad Shacabkeedda raali ka yihiin lama qash qashaadi karo”

Xasan Sheekh “ Dowlad Shacabkeedda raali ka yihiin lama qash qashaadi karo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October11 -2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in dowlad kasta oo Shacabkeeda raali ka yihiin aysan jirin cid diidi karta ama qash qashaadi karta.

Waxa uu sheegay in hub farabadan in ay dowladda heysato aysan wax macno ah u sameyneyn,hayeeshee raali ahaanshaha dadka ayaa sharciga dowladda uu ku dhisan yahay taasi oo ay ku fekeraan habeen iyo Maalin.

“Madaxdeena qaranka waxan leenahay mas’uuliyada idinka ayaa haya idinkuma heysano,laakin talada dalka si lagu heshiiyey oo lagu balamay ayaa madaxda loogu dhiibay,waxaana ku cel celineynaa in wixii lagu heshiiyey ay halkooda kasii socdaan ayuu yiri “Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya in talada ay ka go’do dadka Soomaaliyeed oo dhistay dowlad dhexe iyo dowlad Goboleedyo,waxaaana loo baagan yahay in dowladda ay ku ixtiraamto dowladda goboleedyada wixii ay leeyihiin,iyagana ay ku ixtiraamaan dowladda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment