810 Views
____________________________________________________________________________

Galmudug oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Ku simaha  Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid oo uu wehelinayo Ku simaha Gudomiyaha Barlamanka Wasiiro,Xildhibaano iyo Maamulka Caasimadda ayaa  booqday jiida hore ee dagaalka ee degaanada difaaca u ah Ciidanka xoogga.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa so kormeeray Deegaano ciidamada qalabka sida ay ka qabsadeen Al Shabaab ayago Ciidamada qalabka sida ku booriyay in ay sii waddaan howlgalka.

Ku simaha Madaxweynaha iyo wafdigii u hogaaminayay ayaa Hogaanka Saadka ee Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay sahay iskugu jirta  Timir, Buskut, biyo iyo Caano waxana Madaxweynaha u balanqaaday Ciidamada in aysan kala joogsan doonin taageerada.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Ciidanka Galmudug iyo kuwa dowladda dhexe ay kusoo jeeddaan magaalooyinka Al-Shabaab ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Galmudug in ay joojiyaan dagaallada ku saabsan anooyinka qabaailka taas badalkeeda ka qeyb qaataan dagaalka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post