444 Views

Maxkamadda Hargeysa oo amar ka soo saartay xariga weriyayaashii xirnaa

Maxkamadda Hargeysa oo amar ka soo saartay xariga weriyayaashii xirnaa
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Waxa saaka maxkamadda Hargeysa la horgeeyay wariyayaashii magaalada Hargeysa lagu xiray afar maalmood ka hor.

Maxkamadda ayaa warqad ogolaansho ah ciidanka u siisay in ay wariyayaashan xabsiyada kusii hayn karaan shan maalood taas oo ay ciidanka danbi baaristu ka codsadeen maxkamada.

Wariyayaashan ayaa la filayaa in shantaa maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada.

Wariyayaashan oo uu ka mid yahay wariye Xasan Saleebaan Haaruun Galaydh oo BBC-da ka tirsan ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee xabsiga magaalada Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xiran oo wariyaayaashu ay kasoo warramayeen.

Ururka suxufiyiinta Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga weriyayashan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post