555 Views

Agaasimaha Garoonka diyaaradaha Taiwan oo sheegay in la baajiyay in ka badan 50 duullimaad oo caalami ah garoonka diyaaradaha Taiwan

Agaasimaha  Garoonka diyaaradaha  Taiwan oo  sheegay in  la baajiyay in ka badan 50 duullimaad oo caalami ah garoonka diyaaradaha  Taiwan
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 4, 2022

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Taiwan, Taoyuan, ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah la baajiyay in ka badan 50 duullimaad oo caalami ah, sababo la xiriira howlgalka militeri ee Shiinaha uu ku samaynayo dhoollatuska cabsi gelinta ah.

Duullimaadyada baaqday waxaa ka mid ah 26 imaanayay garoonka Taiwan iyo 25 kale oo la filayay inay ka baxaan.

Hawada Kuuriya ayaa sidoo kale laga joojiyay duullimaadyo ka tagay Incheon oo kusii jeeday Taiwan maalmaha Jimcada iyo Sabtida, halka shirkadda diyaaradaha ee Asiana Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii tooska u tegi jiray Taiwan maalinta Jimcada.

War kasoo baxay shirkadda ayaa lagu sheegay in si dhow loola socon doono xaaladda, sida ay tebiyeen warbaahinta Kuuriyada Koonfureed.

Diyaaradaha rayidka ayaa ka cabsanaya in ay haleelaan hubka ay ridayaan militeriga Shiinaha.

Taiwan ayaa igoor dhawayd shaacisay in ay isku diyaarinayso dagaal maskaxeed, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in Golaha Taiwan u qaabilsan arrimaha dhul-waynaha Shiinaha ay aaminsan yihiin in xukuumadda Beijing ay tallaabada militeri ee dhoollatuska ah uga gol leedahay in ay waddankooda ka go’doomiso dunida inteeda kale, ayna joojiso taageerada ay ka helaan waddamada kale ee caa

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post