561 Views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo magaalada Addis ababa kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.

Madaxweynihii hore ee  Soomaaliya Farmaajo oo  magaalada Addis ababa kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed.
____________________________________________________________________________

.


Axad: February 6, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis ababa kulan gaar ah kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrikas sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Farmaajo ayaa ka qayb galay Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmay Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Shirka waxaa ka qayb galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, Madax ka socota ururrada iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo korjoogto kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post