1320 Views

Mahad salaad “heshiiskii shalay dhuroobe oo u dhashay dhagar qabana waa ku dhintay

Mahad salaad “heshiiskii shalay dhuroobe oo  u dhashay dhagar qabana waa ku  dhintay
____________________________________________________________________________

May 28 2021

“Heshiiska doorasho ee shalay la saxiixay Dhuroobe ayaa u dhashay, Dhagarqabena waa ka dhintay!” Sidaas waxaa qoraalkiisa ku billaabay Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka ee sida weyn uga soo horjeeda siyaasadda Farmaajo.

Shalay waxaa lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis doorasho oo ay wada saxiixeen hoggaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ee uu hoggaaminayay RW Rooble, madaxweyneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Sannad ka hor ayey ahayd in la saxiixo heshiiskan oo kale si doorasho u dhacdo inta uusan dhamaanin muddo xilliyeedka Barlamaanka Federaalka. Nasiib darro, Farmaajo oo xilligaa ka cabsanayay doorashada ayaa nala aaday jiq aan waddo marin, dalkana geliyay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni oo si dirqi ah Ilaahey nooga badbaadiyay. 

Siyaasada Farmaajo ee ku dhisnayd muddo kororsiga, marinhabaabinta iyo ila meereysada waxay soo gaartay ilaa shalay gelinkii dambe, taas oo magac xumo u soo jiiday, meeqaamkiisa wax weyn u dhibtay. Tusaale waxaa ugu filneed shalay markii uu soo galay hoolka xaflada lagu qabanayay laguma soo dhaweyn xamaasaddii iyo meeqaamkii madaxweynenimo ee uu lahaan jiray Farmaajo, wuxuuna ahaa qofka ugu taageerada yar madaxdii shirkaas ka soo qaybgalay, halka Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ahaa mas’uulka ugu taageerada badnaa oo markii uu soo galay halmar isla diryaamay hoolkii. Ceebta Farmaajo ku dhacday si loo qariyo dhalinyarada protocol-ka hayay waxay maciin bideen in ay shidaan muusikadii astaanta calanka si dadka loo istaajiyo duqana habmaamuus Madaxweyne oo macmil ah loogu sameeyo!

Waxaan u mahadcelinaynaa RW Rooble, Madaxweyne Axmed Qoorqoor, Madaxweyne Cali Guudlaawe, Madasha iyo Ciidamada Badbaado Qaran iyo dhamaan waxgaradkii Soomaaliyeed ee jidka ku soo celiyay tareenkii doorashada, fahmayna xaajada xallismi la’ in uu sababteeda leeyahay dhagarqabaha hoggaanka hayay. Soomaalidii hore waxay dhihi jireen xaajo hadii ay murugto waa la sugaa “Dhuroobe u dhasha ama Dhagarqabe ayaa ka dhintee”. Dhuroobaha dalkaan u dhashay waa RW Rooble, wuxuuna dalka iyo dadka ka badbaadshay dagaal iyo burbur in uu dib ugu laabto, abaalkeedana ummadda Soomaaliyeed waa u heysaa. Sidoo kale guushan waxaa kaalin mugleh ka qaatay Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) iyagana waxaan leenahay waa midaad u dhalateen, u dhaarateen, mas’uuliyadana la idinkugu dhiibay in aad ka soo dhalaasheena waad ku mahadsantihiin.

Mar kale waxaan idin leeyahay hambalyo iyo horusocod wanaagsan. Guuleysta!

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post