1287 Views

Meydadka 25 muhaajiriin ah laga helay xeebta Yaman

Meydadka 25 muhaajiriin ah laga helay  xeebta Yaman
____________________________________________________________________________

June 15 2021

Wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in meydadka 25 muhaajiriin ah laga helay xeebta, kaddib markii doontii sidday ay quustay.

Sarkaal dalkaasi u hadlay ayaa sheegay in ilaa 200 oo qof ay doonta saarnaayeen markii ay gadoontay labo maalmood kahor. Lama oga ilaa iyo hadda waxa ku dhacay dadkaas.

Marinka Badda Cas ee Afrika ilaa Yemen waa mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida ee ay muhaajiriintu adeegsadaan. Inta badan tahriibayaashu ayaa ka soo jeeda waddamada Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo kasoo qaxaya gaajada iyo dagaalka ka jira dalalkaas.

Doomo badan oo marinkaasi adeegsada, ayaa ah,kuwo buux dhaafay oo khatar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post