858 Views

Farqiga u dhaxeeya dabaaldegii sannadkii hore 2020 iyo sannadkan 2021-ka

Farqiga u dhaxeeya dabaaldegii   sannadkii  hore 2020  iyo sannadkan 2021-ka
____________________________________________________________________________

Jimco  January 1, 2021

Malaayiin adduunka ku nool oo sannadka 2020-ka soo arkay dhibaatada uu horseeday fayraska corona ayaa waxay u dabaal degayaan bilowga sannadka 2021-ka inkastoo xitaa dabaaldegyada ay ka duwan yihiin kuwii sannadadii hore sabao la xirira fayraska oo waxay danta ku khasabtay in ay guryahooda ku daamaashaadaan oo ay sannadka cusub ku soo dhaweeyaan.

Inkastoo ay jiraan dadka qaar oo kaqeybgalay xafladaha ama ciidaha iyagoo wajiyada soo duubtay ama sameynaya taxaddarro kale.

Magaalada Tokyo ee hoose, dadku waxay booqdeen goobta cibaadad ee Kanda Myojin si ay ugu soo duceystaan inkastoo la dhimay tirada dadka ku duceysnaya.

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo magaaladii uu fayraska corona ka soo bilowday ayaa waxaa isugu soo uruuray dadweyne badan iyagoo sita buufino iyo dharka dabaal-degga, waxayna tirinayeen saacadaha ka harsan saqda dhexe oo ah xilliga kala wareegga si ay usoo dhaweeyaan sannadka cusub.


XIGASHADA SAWIRKA,EPA

Taiwan si loo dhaweeyo sannadka cusub waxaa hawada sare loo diray bululeero inkastoo magaalooyin badan laga mamnuucay dabaaldegyada tooska ah waxayna taasi horseedday iney door-bidaan in dhanka online-ka ay ku soo dhaweeyaan sannadka 2021-ka.

Sida qoyskan oo kale oo ku sugan Kuuriyada Konfureed ayay qoysas badan oo kale oo ku sugan dunida daafeheeda ugu dabaal dageen hab ka duwan sidii hore iyagoo ku sugan guryahooda.

Halka Philippine-na ay kooxo yar-yar isugu soo baxeen jardiin ku yaalla magaalada Manila si ay u daawadaan dabaaldegga. Maamullada ayaa dadka ku boorriyay ineysan isugu imaan hal meel.

Gudaha Hong Kong, kooxo ayaa isugu soo baxay Victoria Harbor horteeda si ay si wada jir ah ugu dabaal degaan.

Magaalada Yekaterinburg ee Ruushka ayaa sidoo kale laga dabaal-degay, iyadoo dad aan sidaa u badanayn ay isu soo baxaeen.

Sawirka hoose waa Isu tagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan xarunta Ras al-Khaimah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post