237 Views

Waaxda Arrmaha Dibedda ee Mareykanka oo soo rogtay xannibaado dheeraad ah oo dal ku galka ah hoggaamiyeyaasha taliban ee dalka Afghanistan

Waaxda Arrmaha Dibedda ee Mareykanka oo  soo rogtay xannibaado dheeraad ah oo dal ku galka ah hoggaamiyeyaasha taliban ee dalka Afghanistan
____________________________________________________________________________

Khamiis: 2/1/2023

Waaxda Arrmaha Dibedda ee Mareykanka ayaa soo rogtay xannibaado dheeraad ah oo dal ku galka ah hoggaamiyeyaasha taliban ee dalka Afghanistaniyagoo taa uga jawaabayo xannibaaddii Talibaanku ka saareen haweeenka in ay dhigtaan jaamacadaha iyo in ay u shaqeeyaan hay’adaha caalamiga ah .

Xohayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xannibadahan ay saameynayaan xubnaha haatan iyo kuwii hore ee taalibaanka , kooxaha dhinaca amaanka ee aan dowliga aheyniyo kuwo kale oo la rumeysan yahay in ay mas’uul ka yihiinsiyaasadaha caddaadiska ku dhisan ee looga horjeedo haweenka iyo gabdhaha dalka Afghanistan.

Madaxda Taliban ayaan weli oggolaan dugsiyada sare ee gabdhaha in dib loo furo waxayna dhowaan ka joojiyeen haweenka shaqooyinka ay ka hayeen ururada iyo hay’adaha caalamiga ah waxayna ka joojiyeen in ay sii wataan waxbarashada Jaamacadaha .

Office Nairobi kenya   

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post