378 Views

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey

Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida ku timid Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey
____________________________________________________________________________

Axad:AUGUST 14, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shacabka Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariiste Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dowladda Puntland.

“Alle ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamey oo caawa ku geeriyooday Garoowe, wuxuu ahaa Odey Puntland oo waxbadan kasoo qeyb qaatay Dowladnimada, gaar ahaan ka shaqeynta isagoo soo noqday Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland, Wasiir ku-xigeenka Amniga iyo Xildhibaan Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland.

Waxaan geeridiisa uga tacsiyeeynaya dhammaan Shacabka Puntland, saaxiibadii ay soo wada shaqeeyeen, eheladii iyo qoyskiisii, marxuumka waxaan alle uga baryaya in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore, Gen. Cabdicasiis Siciid Gacamay (Baduugaaye) oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe ayaa soo noqday xildhibaan, Taliyaha Booliiska Puntland, Wasiir ku xigeen Wasaarda Amniga Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post