318 Views

Guddoomiyaha degmada Matabaan oo ka hadlay howlgallo ay Ciidanka dowladdu ka wadaan G/Hiiraan

Guddoomiyaha degmada Matabaan oo ka hadlay howlgallo ay Ciidanka dowladdu ka wadaan G/Hiiraan
____________________________________________________________________________

sabti: AUGUST 13, 2022

 Guddoomiyaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Bashiir Cabdirixman Sheekeeye ayaa Ka warbixiyay howlgallo ay ciidanka xooga dalka mudooyinkii lasoo dhaafay ka wadeen inta u dhaxeysa degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay intii uu socday howlgalka ka dhanka ahaa Dagaalamayasha Al-Shabaab ay ciidanku xureeyeen degaano badan oo ay kamid yihiin degaanka bacda iyo degaano kale kuwaa oo ay ku sugnaayeen xubno katirsan Al-shabaab.

Waxaa uu tilmaamay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay iska kaa shadeen Dowlad dhexe iyo Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug, ayna howlgaladaan ku dileen Xubno badan oo Al-Shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Gudoomiyaha Degmada Matabaan ayaa sidoo kale waxa uu xusay in ay sii wadi doonaan howlgaladda ay wadaan ayna xureeyn doonaan degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu hay’addaha samafalka ugu baaqay in ay gargaar degdeg ah soo gaarsiiyaan dadka ay ku sugan degaanada ay Al-Shabaab ka xureeyeen, isla markaana ay hadda xaalad adag ku suganyihiin, una baahanyihiin Gargaar degdeg ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Ciidamo Macawiislay ah oo garab ka helayo Ciidanka dowladda waxa uu dagaal adag ku dhexmaray Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, waxaana Dagaalkaasi ki nafwaayay Xubno badan oo ka tirsan dhinacyadii Dagaalamay.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post