684 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Col Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Sawiro

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Col Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Sawiro
____________________________________________________________________________

Jimco Jan 8, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa, Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Col Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi),

Wasiirka ayaa  Taliye Koofi kala hadlay xoojinta iskaashiga waxtarka leh ee u dhexeeya Wasaaradda iyo Hey’adda ee la xiriira u adeegidda muwaadiniinta iyo shisheeyaha.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda.

sidoo kale waxaa kulan Agaasimaha Guud ku wehlinaayay K/xigeenada Agaasimaha Guud Md, Cabdullaahi Xaaji Bashiir (Shiine), Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Lataliyaha Sharciga Md, Cabdinasir Xaashi iyo qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay hoggaanka u qabanaysaa hindiso uu wehliyo geedi-socodkeeda qaran oo ay ku dhammaystirayso adeegyada dowladeed ee culayska looga qaadayo muwaadiniinta iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyaddeeda loogu talagalay kor u qaadista heerka adeegyada qunsuliyadaha iyo fududeynta habraacyada lagu bixiyo adeegyada ay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ka bixiso Safaaradaha iyo Qunsuliyada ay Soomaaliya ku leedahay Wadamada Caalamka, iyadoo tani ay gacan ka geysaneyso in muwaadiniintu iyo Shisheeyuhuba helaan adeegyo dhameystiran.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ku howlgasha Siyaasadda Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, iyadoo u fidisa Shacabka Soomaaliyeed iyo Shisheeyahaba adeegyo hufan iyadoo ilaalineysa Shuruucda Dalka u yaala iyo Habraacyada lagu bixiyo adeegyada Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

#HSJ

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post