285 Views

Maxkamadda sare ee Iran oo aqbsashay racfaan uu u gudbiyay qof kamid ahaa dibadbaxyaasha

Maxkamadda sare ee Iran oo aqbsashay racfaan uu u gudbiyay qof kamid ahaa dibadbaxyaasha
____________________________________________________________________________

Sabti: December 31  2022 

Maxkamadda sare ee dalka Iran ayaa aqbashay racfaan uu ka qaatay qofka kamid ah dadkii dibadbaxyada ka dhigayay dalkaas kaasoo lagu xukumay dil xili dhawaan ay dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowlada.

Sahand Noor Mohammadzadeh ayaa la xiray bishii October ka dib markii lagu eedeeyay in uu dab qabadsiiyay goob qashinka lagu tuuro.

Laba bilood ka dib ayaa lagu xukumay dil toogasho ah. Waxaa haatan dib u eegis lagu sameynayaa kiiskiisa.

Iran ayaa horay dil toogasho ah horey ugu fulisay labo qof oo ku lug lahaa dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhashay geeridii ku timid gabadh la oran jiray Mahsa Amini.

Ugu yaraan kow iyo toban ayaa lagu xukumay dil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post