3897 Views

Sawirro:-Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Waddo Muhiim Ah

Sawirro:-Duqa Muqdisho Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Waddo Muhiim Ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 17, 2019–Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Isgoosyada Siinaay iyo Baar-ayaan ee degmooyinka Warta-Nabada iyo Yaaqshiid.

Munaasabadda xarig jarta Wadada ayaa waxaa goobjoog ka Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-Alle (Ibraahim Dheere), Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada Seynab Xabsey, xubno oo ka tirsan Maamulka Gobolka iyo dadweyne farabadan.

“Waxaan maanta xariga kajaray dhismaha wadada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid”ayuu yiri Cumar Finish.

 

Ugu dambeyntii Duqa Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda kunool iney xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda waddooyinka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment