915 Views

Soomaali lagu dilay Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika

Soomaali  lagu dilay Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika
____________________________________________________________________________

Isniin: july 12, 2021

Ugu yaraan 6 ruux ayaa dhintay, halka tiro intaasi ka badan ay dhaawacmeen ka dib markii rabshado ay dhasheen xabsi u taxaabidda madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Alle ha u naxariisto dadka dhintay waxaa kamid ah afar dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasi magacyadooda lagu kala sheegay Maxamuud Qoojo, Goosaar Ganeey, Mahad Ciise iyo Nuur Cali Sarjaan.

Sidookale waxaa jira dhaacayo kale oo soo gaaray dhallinyaro Soomaaliyeed

Warku waxa uu intaa kudarayaa in uu jiro khasaare hantiyadeed oo soo gaaray ganacsatada, ayada oo wali ay socdaan rabshadaha.

Booliska waxay sheegeen ilaa iyo hadda iney qabqabteen dad ka badan 200 qof ugu yaraan 6 qofna ay rabshadahaasi ku dhinteen.

Maxakmadda dastuuriga ee dalkaasi ayaa billowday dib u eegis ay ku sameyneyso 15-ka bilood ee xabsiga ah ee lagu xukumay, ee la xidhiidhay dacwaddi musuqa ee horay looga soo eedeeyey.

Kooxda shaqrci yaqaannada madaxweynaha waxay doonayaan in sharcigaasi la laalo.

Halka qaar ka mid ah taageerayaasha Zuma ay sheegeem iney mudyharaadyada sii wadayaan ilaa Zuma xorriyaddiisa loo soo celinayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post