1485 Views

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka Oo Ka Furmay Garoowe

Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Dalka Oo Ka Furmay Garoowe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 21, 2018 —Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa goordhow ka furmay Shirka afaraad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada dalka ka jira ay ku yeeshaan Garoowe.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda maamul Goboleedyada, sida Madaxweynaha Galmudug,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ,Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland oo marti gelinaya Shirka,waxaana ka maqan Madaxweynaha Hirshabeelle,kaasi oo  oo horey heshiis ula galay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qodobada looga hadli doono Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada ayaa  kamid ah Siyaasadda guud ee dalka, iyo Hiigsiga doorashada 2020 iyo arrimo kale.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa shalay gaaray Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Shariif Xasan Sheekh Aadan,Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa maanta aad loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaadanaya sugida Amniga Magaalada.

1 2 4

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment