618 Views

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Marka

Kulan looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Magaalada Marka
____________________________________________________________________________

Wasiirka Amniga Koonfur galbeed Isaaq Cali Subagle ayaa shir gudoomiyay kulanka Amniga Degmada Marka waxaana ka qeybgalay Wasiiro ka tirsan Koonfur galbeed gudoomiyaha Gobolka shabeellaha hoose Taliyaha Booliska saraakiisha Ciidanka Xooga dalka iyo kuwa Amisom,Booliska iyo maamulka degmada Marka.
Shirka Amniga ayaa xooga lagu saaray la-dagaalanka Shabaab iyo sidii howlgalo qorsheysan loo qaadi lahaa.

Magaalada Marka ayaa waxaa ku sugan Wasiiro ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo halkaasi u tegay qorshonla xiriira Amniga iyo horumarinta degmada.
Kulanka looga hadlayay Amniga ee lagu qabtay Magaalada Marka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer Al-Shabaab ay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Magaalada Marka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post