1059 Views

Dowlada Itoobiya oo sheegay iney qiimeyn ku sameyneyso xiriirka ay la leedahay Dowlada Mareykanka.

Dowlada Itoobiya oo  sheegay iney  qiimeyn ku sameyneyso xiriirka ay la leedahay Dowlada Mareykanka.
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Itoobiya ayaa sheegay iney dib u qiimeyn ku sameyneyso xiriirka ay la leedahay Mareykanka, haddii ay sii wadaan iney fara galinta kusii hayaan arrimaha gudaha dalkooda, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

Waxey ka jawaabeysay wasaaradda go’aan sheegaya in uu kusoo rogey cuna qabteyn dhaqaale iyo mid socdaal Mareykanka, oo dhinacyo taabanaya, taasoo ka dhalatey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigreega.

Sidoo kale, wasaaraddu waxey sheegtay in go’aanka uu kamid yahay cuna qabateyn dhanka socdaalka, oo ay saameyn doontosaraakiil aan la magacaabin.

Itoobiya ayaa sheegtay in arrimahan ay kala hadli doonto dowlado kale, oo uu ku jiro Mareykanka, si loo hagaajiyo waxna loogga badalo duruufaha haatan, gaar ahaan in gargaarka bani’aadanimo uu gaari karo gobolka Tigreega ee ay dagaaladu aafeeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladdu ay wada hadal la fureyso ururka TPLF ee Tigreega, kaasoo xukumayey gobolka waqooyiga.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa sheegay in talaabo caalami ah loo baahday si loo xaliyo shaqaaqan, isagoo intaa ku darey in dhinacyada ku lugta leh dagaalka gobolka Tigreega ay dhagaha ka fureysteen dalabyadii loo soo gudbiyey ee joojinta colaadda.

Kumanaan qof ayaa lagu diley, iyadoo tiro intaa ka bandanna ay ku barakaceen dagaalkan, kaasoo bilawdey lix bilood ka hor.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post