1911 Views

QM “Dalkooda ayaanu ku soo celineynaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka deriska”

QM “Dalkooda ayaanu ku soo celineynaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka deriska”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 23, 2018 – Inka badan 819,000 oo Soomaali ah ayaa ku nool meel ka baxsan Soomaaliya iyaga oo isugu jira magangalyo doon iyo qaxooti, waxaana 767,500 ka mid ah ku sugan yihiin dalka Ethiopia, 255,500 oo ku nool dalka Kenya iyo 256,000 oo ku nool dalka Yemen.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii xal waara loogu heli lahaa qaxootigaasi Soomaaliyeed, loona suuro geliyo inay dib u dhistaan dalkooda halkii ay magangalyo doon ku noolaan lahaayeen.

Hay’adda ayaa sheegtay inay ka taageereyso dadkaasi sidii ay dalkooda dib ugu soo laaban lahaayeen, waxaana 83,669 oo ka mid ahaa dadkaasi Hay’adda ka taageertay inay dib ugu soo laabtaan dalkooda iyaga oo doonayay inay magangalyo ka helaan Sagaal wadan oo kala duwan.

UNHCR ayaa soo bandhigtay tirada dadka ay ka taageereen inay ku soo laabtaan dalkooda iyo wadamada ay ku sugnaayeen, guud ahaan tiradda hay’adda ay soo celisay ayaa gaaraya 825 ruux ,655 ka mid ah oo laga soo celiyay dalka Kenya, 141 ruux oo laga soo celiyay Yemen, 28 ruux oo laga soo celiyay Tunisia iyo hal ruux oo laga soo celiyay dalka Ukraine, tan iyo sanadkii 2014.

Ugu dambeyn Hay’adda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto inay ka taageerto dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda ku soo laabtaan sidii ay ku imaan lahaayeen ayna ka qeyb qaadaan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment