735 Views

Askari tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo loo xiray kufsi uu u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaaskiisa

Askari tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo  loo xiray kufsi uu u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaaskiisa
____________________________________________________________________________

Sabti: March 5, 2022

 Askari ka tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya tirsan ciidanka gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee  Liyuu Boolis ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inuu kufsi u gaystay gabar yar oo ay dhashay xaaskiisu.

Kufsigaan ayaa ka dhacay degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana la sheegay inuu Askari dhowr jeer kufsaday Gabadhaan yar.

Gabadha kufsiga loo geystay ayaa ka cabsatay inay arrintaan la wadaagto hooyadeed, waxayna sheegtay inay ka cabsaneysay inuu dilo maadaama ninka kufsiga u geystay uu yahay Askari .

Kiiskaan ayaa waxaa Booliska soo gaarsiisay Gabar usoo martisay guriga oo aragtay Askariga oo kufsanayo gabadha sida uu sheegay baaraha booliska u qaabilsan gobolka Afdheer Gaashaanle Qorane Cabdulaah

Madaxa Haweenka ee degmada uu falkani ka dhacay ee Hargeelle Nasra Sheekh Cumar oo arrinta gabadhan yari aad u danqatay ayaa sheegtay inay u taagan tahay sidii ay gabadhan yari caddaalad u heli lahayd, eedaysanahana ciqaabtii ku haboonayd loo marsiin lahaa.

Askariga ku eedaysan kiiska gabadhan yar oo kufsi ah ayaa hadda ku jira xabsiga degmada Hargeelle ee gobolka Afdheer ee dowlad degaanka Soomaalida.

Kufsiga ay Askarta u geysanayaan gabdhaha yar yar ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey deegaanada Soomaalida.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post